Jaamacadda City ee Mogadishu iyo Secure Fisheries oo iska kaashanaya sare u qaadida Fahamka Cilimiga ku salaysan ee khayraadka Badaha Soomaalia.

JANUARY 29, 2018 – Broomfield, Colorado iyo Muqdisho, Soomaaliya

Secure Fisheries, oo ah barnaamij ka tirsan hay’adda One Earth Future, iyo Jaamacadda City ee Mogadishu ayaa isla galay heshiis iskaashi oo sare loogu qaadayo sidii Soomaalidu uga faaiidaysan lahayd khayraadkooda badda iyada oo la adeegsanayo aqoon isweydaarsi, cilmibaaris la isla hirgeliyo iyo waxbarasho.

Khubarada culuumta badda ee Jaamacadda City iyo Secure Fisheries ayaa isla hawl gelinaya mashruucyo cilmi baaris ah oo lagu sahminayo laguna soo bandhigayo macluumaad cusub oo la xiriira bey’adda badaha Soomaaliya, khayraadka dhex ceegaaga. Waxaa ahmiyad gooni ah la siin doonaa cilmibaarista ay hogaaminayaan ardayda Jaamacadda City si loo tababaro jiil cusub oo Soomaali ah oo saynisyahanno badeed iyo xeel dheerayaal siyaasadaha badaha leh.

“Jaamacadda City waxay ku faraxsantahay in ay heshiis iskaashi la gasho Secure Fisheries” Sidaa waxaa sheegay Hormuudka Jaamacadda City Abdulkareem Jama. “Markii aan booqday xafiiska One Earth Future ee gobolka Colorado, waxaan la dhacay dedaalka iyo hawsha baaxadda leh ee ku aaddan sidii kaluumaysiga Soomaaliya looga ilaalin lahaa xaalufinta. Jaamacadda City iyo Secure Fisheries waxaa u qorshaysan hirgelinta cilmibaaris wadajir ah oo la xiriirta kaluumaysiga iyo khayraadka badda  kana  tarjumaysa baahida maanta Soomliya qabto iyadoo la tala gelinayo Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dawladda Soomaaliya.”

“Waxaa farxad noo ah inaan heshiis iskaashi la galno Jaamacadda City si aan isaga kaashanno diyaarinta saynisyahannadii iyo maareeyayaashii Soomaaliya oo dhan ka suuragelin lahaa ka faa’iidaysi waara oo ku aaddan khayraadka badda.” Sidaa waxaa tidhi Ms. Kaija Hurlburt, Agaasimaha Secure Fisheries.

Qaybta culuumta badda ee Jaamacadda City waxaa iminka ka faaiidaysta 172 arday oo isugu jira heer Jaamcadeed iyo heer dugsi sare. Toban ardayda jaamacadda ka mid ah iyo 54 ardayda dugsiga sare ah ayaa ka qalin jebin doonaa culuumta badda sannadka 2018. Kulliyadda Culuumta Badda ee Jaamcadda City waxay Soomaaliya u keentay barnaamij waxbarasho Jaamcadeed oo culuumta badda ah oo dhammaystiran. Waxay Jaamcaddu hawl-gelisay dhawr doonyo cilmi baaris, barnaamijyo tababarka farsamada gacanta ee kaluumaysiga iyo daryeelka kaluunka, shaybaar culuumta badda, beer tijaabo kaluun iyo warshad biyaha badda lagu macaaneeyo.

Secure Fisheries waxay falanqayn ay soo saareen  2015kii ku soo bandhigeen warbixintii ugu horreysey ee dhammaystiran ee lagu falanqaynayo xaaladda kaluunka Soomaaliya . Heshiiskan iskaashi waxaa laga filayaa inuu sare u qaado xaaladda aqooneed ee loo leeyahay khayraadka badaha Soomaaliya si loo gaadho ka faaiidaysi waara loona tayeeyo maamulka khayraadka badda.

Warbaahinta:

Wixii macluumaad dheeraad ah kala soo xiriir:

One Earth Foundation - +1 720-274-8231 OR  jplarroque@oneearthfuture.org.

City University - +252 61 657 8898 OR 

One Earth Future (OEF):

OEF waa hay’ad gaar loo leeyahay oo iyadu is maal gelisa kuna hawllan sidii loo kordhin lahaa nabadaynta aduunka iyadoo loo marayo iskaashi iyo barnaamijo cilmibaaris ku salaysan. Waxaan xoogga saarnaa sara u qaadidda iskaashiga badaha iyo abuurista shaqooyin waara oo ka hirgala waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo. Cilmi baaristeenuna waxay si firfircoon wax ugu kordhisa hogaaminta fikirka ee arrimaha waaweyn oo dunida ka jira.

Secure Fisheries:

Secure Fisheries waa barnaamij ay leedahay One Earth Foundation oo isku biirisa cilmibaarista ku salaysan sayniska iyo weliba habka loo jihaynayo samaynta shaqooyin kaluumaysi oo waara, kobcinta dhaqaalaha, isku-filaashada cuntada iyo weliba la dagaallanka kaluumaysiga sharci-darrada ah, kan aan laga war hayn iyo kan aan idanka loo haysanba.

City University:

Jaamcadda City oo la aasaasay sannadkii 2012, waa Jaamcad aan faa’iido doon ahayn oo ka hawl gasha magaaladda Muqdisho, Soomaaliya hormuudna ka ah helidda tacliin, cilmi-baaris iyo adeeg bulsho oo tayo sare leh.

Daawo Kaluumeysiga Soomaaliya

Read in English