MAALGALINTA SME - SIDA LOO CODSADO

SHURUUDAHA MAALGASHIGA

Nidaamkayagu waa inaan aayar bilowno, sameyno xiriir, oo aan xagaa kasii wadno.

Si aad Shuraako uga codsato maalgelin, waa inaad buuxisaa shuruudahan soo socda.

  • Ganacsi Soomaali ah
  • Ganacsi aad u yar, mid yar ama mid dhexdhexaad ah (0-300 shaqaale)
  • Shirkadahu waa inay leeyihiin ugu yaraan hal (1) sanno oo hawlgal ah waana inay ku jiraan qayb ganacsi oo aan xayiraadi saarnayn sida ay daabacaan ama wax uga beddelaan waqti ilaa ka waqti Qaramada Midoobay ama Midowga Yurub
  • Shirkad bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba masuul ah oo horseeda shaqo abuur lehna qaab ganacsi oo aad u fiican

HEERARKA MAALGALINTA

  • Maalgalinta ilaa iyo haddu waxay u dhaxaysay USD $5,000 ilaa USD $750,000, taas oo ku saleysan awoodda hindisaha. Maalgashiga rajada fiican leh ee u baahan xaddi raasumaal oo weyn waa la tixgelin doonaa. Ma bixino maaliyad loogu talogalay raasumaalka shaqada/hawlgalka ganacsiga.
     

SIDA LOO CODSADO

Haddii aad tahay ganacsi Soomaaliyeed oo aad daneynayso inaad hesho maalgelin iyada oo loo marayo adeegga Shuraako, fadlan soo gudbi Macluumaadka Fikrada ee aad buuxisay ama nagala soo xiriir [email protected] wixii macluumaad dheeraad ah.

 

Ganacsatada cusub ee daneynaya inay helaan maalgelin, fiiri tilmaamaha hoos ku qoran ee ku saabsan sida loo codsado. Ma jiro waqti kama dambeys ah oo uu leeyahay codsigu!

MARXALADA XULASHADA

1. Fiiri Shuruudaha Maalgashiga si aad u oggaato haddii ganacsigaagu uu u qalmo maalgelin.

2. Haddii aad uu u qalanto, dejiso oo soo buuxi Shaxda Macluumaadka Fikradda. U gudbi Macluumaadka Fikradda la soo buuxiyay [email protected].

3. Shuraako waxay dib u eegi doontaa Macluumaadka Fikradda waxaana laga yaabaa inay ku warceliso ganacsadaha. Shuraako waxay wargalin doontaa ganacsadaha haddii loo xushay inay u gudbaan Marxaladda Codsiga.

 

MARXALADDA CODSIGA

4. Dejiso oo soo buuxi Shaxda Qorshaha Ganacsiga iyo Shaxda Maaliyadeed

5. U dir foomamka la buuxiyay (Qorshaha Ganacsiga iyo Maaliyadeed) wakiilkaaga Shuraako. Kaliya soo gudbi shaxahan haddii uu sidaa kaa codsaday wakiilka Shuraako.

6. Shuraako waxay dib-u-eegi doontaa Qorshaha Ganacsiga iyo Maaliyadeed; waxaanay bixin doontaa warcelinta ku haboon si codsiga hore loogusii wado (haddii codsigu uu mudan yahay).

 

MARXALADDA KAMA DAMBAYSTA AH

7. Marka la aqbalo, Heshiiska Adeegyada Shuraako.

 

Template Instructions:

Template downloads require either Microsoft Word and/or Microsoft Excel. All templates should be completed in English.